
- Go Home
- NIRA oo Xaruntii 3aad ee Habeenkii iyo Maalintiiba Shaqaysa Ka Furtay Magaalada Muqdisho

NIRA oo Xaruntii 3aad ee Habeenkii iyo Maalintiiba Shaqaysa Ka Furtay Magaalada Muqdisho
Muqdisho, Soomaaliya; Nofeembar 10, 2025: Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa caawa xarun cusub oo loogu talagalay diiwaangelinta iyo kaar-siinta dadweynaha ka daahfurtay Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Xarunta cusub ayaa waxa si rasmi ah xarigga uga jaray Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), oo uu weheliyo Maareeyaha Guud ee NIRA, Mudane Cabdiwali Cali Cabdulle (Timacadde).
Wasiirka oo xafladda xarig-jarka Xarunta ka hadlay ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in dhammaan shacabka Soomaaliyeed loo fududeeyo diiwaangelinta, iyada oo la qaadayo tallaabooyin degdeg ah oo lagu yaraynayo ciriiriga ka jira xarumaha kala duwan ee NIRA.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiwali Cali Cabdulle (Timacadde), oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Hay’adda NIRA, oo ka jawaabaysa baahida sii kordhaysa ee ku aaddan helitaanka adeegga Kaarka Aqoonsiga Qaranka, ay dardar-gelisay qorshaheeda daahfurka xarumo cusub oo loogu adeego guud ahaan dadka Soomaaliyeed.
Si lamid ah xarumaha Degmooyinka Hodan iyo Boondheere ee NIRA, xarunta caawa la daahfuray ayaa hawlgeli doonta labada gelin ee maalintii iyo habeenkii, waxaana tallaabadan looga gon leeyahay in lagu yareeyo culayska ka jira xarumaha diiwaangelinta ee NIRA.




Join Our Mailing List
For receiving our news and updates in your Email inbox directly.



