img

Hay’adda NIRA oo Heshiis Wadashaqayn La Saxiixatay Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee SONSA

 

Muqdisho, Soomaaliya, Noofembar 7, 2025 — Maareeyaha Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiwali Cali Cabdulle (Timacadde), iyo Guddoomiyaha Dalladda  Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed (SONSA), Mudane Cusmaan Muxyaddiin Macallim (Shaatax), ayaa maanta heshiis is-afgarad oo u dhexeeya labada dhinac ku kala saxiixday Xarunta Guud ee Hay’adda. 

Maareeyaha oo faahfaahin ka bixiyay heshiiska ayaa sheegay in bulshada rayidka ahi ay laf-dhabar u tahay xoojinta xiriirka Hay’adda iyo qaybaha kala duwan ee dadweynaha, iyo in Ururrada Bulshada Rayidka ahi ay si mug leh uga qayb-qaataan dadaallada wacyigelin ee ku aaddan diiwaangelinta dadweynaha Soomaaliyeed. 

Guddoomiyaha Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah (SONSA), Mudane Cusmaan Muxyaddiin, ayaa isna dhankiisa hoosta ka xarriiqay muhiimadda heshiiska iyo in SONSA diyaar u tahay sare-u-qaadidda wacyigelinta dadweynaha ee la xiriirta baahinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka; isaga oo sheegay in Kaarka Aqoonsiga Qaranku uu udub-dhexaad u yahay adeeg-bixinta hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay. 

Heshiiska Hay’adda NIRA iyo SONSA ayaa u gogol-xaadhaya dhisidda kalsoonida dadweynuhu ku qabo Nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyo sidii dhammaan bulshada loogu wacyigelin lahaa muhiimadda Kaarka Aqoonsiga Qaranka. 

image
image
image
image
image
image
image