
- Go Home
- NIRA oo Xarun Cusub ka Furtay Degmada Daarasalaam ee Gobolka Benaadir

NIRA oo Xarun Cusub ka Furtay Degmada Daarasalaam ee Gobolka Benaadir
NIRA oo Xarun Cusub ka Furtay Degmada Daarasalaam ee Gobolka Benaadir
Muqdisho, Soomaaliya, Octoobar 08, 2025 – Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa maanta xarun cusub ka daahfurtay Degmada Daarasalaam ee Gobolka Benaadir, iyada oo ay si wadajir ah xarigga uga jareen Maareeye Ku-Xigeenka Guud ee NIRA, Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed, iyo Guddoomiyaha Degmada Daarasalaam, Mudane Mire Saalax Dhuxuloow.
Maareeye Ku-Xigeenka Guud ee NIRA ayaa sheegay in Hay’addu dardargelinayso furitaanka xarumo cusub si dadweynaha loogu dhaweeyo adeegyada diiwaangelinta iyo kaar-bixinta, isaga oo ku boorriyay shacabka Degmada Daarasalaam inay ka faa’iidaystaan adeegyada xarunta cusub.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Degmada Daarasalaam ayaa Hay’adda uga mahadceliyay furitaanka xarunta, isaga oo xusay in Aqoonsiga Qaranku lagama-maarmaan u yahay helitaanka adeegyada aasaasiga ah ee hay’adaha dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.





Join Our Mailing List
For receiving our news and updates in your Email inbox directly.