
- Go Home
- NIRA oo Xarun Cusub ka Furtay Degmada Kaxda ee Gobolka Benaadir

NIRA oo Xarun Cusub ka Furtay Degmada Kaxda ee Gobolka Benaadir
Muqdisho, Soomaaliya, Oktoobar 12, 2025 – Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa maanta xarun cusub oo diiwaangelin ka daahfurtay Degmada Kaxda ee Maamulka Gobolka Benaadir.
Xarunta waxa si wadajir ah xarigga uga jaray Maareeye Ku-Xigeenka Guud ee NIRA, Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed, Guddoomiye Ku-Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Benaadr, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), iyo Guddoomiyaha Degmada Kaxda, Mudane Cabdirisaaq Maxamed Shiikh Cabdullaahi.
Intii lagu guda-jiray munaasabadda furitaanka, Maareeye Ku-Xigeenka Guud ee NIRA, ayaa ka hadlay muhiimadda Kaarka Aqoonsiga Qaranka, isagooo ku boorriyay shacabka degmada inay ka faa’iidaystaan adeegyada diiwaangeinta iyo kaar-bixinta xarunta cusub isla markaana isu diiwaangeliyaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka.
Dhankooda, Guddoomiye Ku-Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Benaadir iyo Guddoomiyaha Degmada Kaxda ayaa ku bogaadiyay Hay'adda NIRA dadaallada is-dabajoogga ah ee ay ugu jirto in adeegga la gaarsiiyo dhammaan degmooyinka Gobolka Benaadir, waxayna hoosta ka xarriiqeen in Aqoonsigu uu fure u yahay helitaanka adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, baasaboorka, bangiyada, iyo socdaalka gudaha dalka.
Degmada Kaxda ayaa noqonaysa degmadii ugu dambaysay ee laga hirgeliyo xarun diiwaangelin, taas oo caddayn u ah sida ay NIRA uga go’an tahay baahinta adeegyadeeda kala duwan.








Join Our Mailing List
For receiving our news and updates in your Email inbox directly.