
- Go Home
- Soomaaliya oo Dalka Zambia kaga Qaybgashay Shirka "Digital Government Africa 2025"

Soomaaliya oo Dalka Zambia kaga Qaybgashay Shirka "Digital Government Africa 2025"
Lusaka, Zambia – 9 Oktoobar 2025: Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir, isla markaana uu qayb ka ahaa Maareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa ka qayb-galay shirka "Digital Government Africa 2025" oo ay martigelisay Dowladda Zambia, laguna qabtay magaalada Lusaka.
Shirka oo socday saddex maalmood ayaa isu keenay wufuud ka socotay 26 dal oo Afrikaan ah iyo shirkado tiknoolajiyadeed oo caalami ah, waxaana diiradda lagu saaray hal-abuurka iyo siyaasadaha ku aaddan casriyaynta maamulka iyo adeeg-bixinta Dowladaha Qaaradda Afrika.
Maareeyaha Guud ee NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa intii shirku socday ka qayb-qaatay falanqayn ku saabsan dhisidda kalsoonida la xiriirta xaqiijinta saxnimada aqoonsiyada dhijitaalka ah.
Maareeyaha ayaa madasha ku soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay taaba-gelinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyo hal-abuurka kaabayaasha dhijitaalka ah ee gundhigga u ah sida Nidaamka Hubiye oo loogu tala-galay hubinta saxnimada aqoonsiga ay Hay’adda NIRA bixiso, e-Aqoonsi, iyo Nidaamka Shahaado-bixinta (CDS).






Join Our Mailing List
For receiving our news and updates in your Email inbox directly.