img

A high-level meeting was held at NIRA HQ, chaired by Deputy Minister of Interior Hon. Abdihakim Ashkir, alongside NIRA DG AbdiwaliAbdulle MoIFARSomalia DG, Mr. Aidarus Moallim

A high-level meeting was held at NIRA HQ, chaired by Deputy Minister of Interior Hon. Abdihakim Ashkir, alongside NIRA DG AbdiwaliAbdulle MoIFARSomalia DG, Mr. Aidarus Moallim. They welcomed a delegation from Pakistan’s NadraPak, led by Head of Projects Mr. Rehman Qamar. The meeting aimed to strengthen cooperation & exchange expertise on modernizing identity system infrastructure to align with advanced technology.@NadraPak’s technical support has been instrumental in implementing Somalia’s National Identification System. The Deputy Minister & NIRA DG thanked NadraPak & the Government of Pakistan for their strong partnership. In response, the delegation expressed gratitude for #Somalia’s warm welcome & reaffirmed their commitment to supporting NIRA in enhancing the National ID System.

SOMALI

Kulan ka dhacay Xarunta Guud ee Hay'adda NIRA, oo uu shir-guddoominayey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdixakiim Ashkir, ayna ka qayb-galeen Maareeyaha Guud ee NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Caydaruus Macallim Xasan, Agaasimaha Dad-dhigista Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Cabdiqani Weheliye, iyo Hawl-wadeenno ka tirsan Hay'adda NIRA ayaa lagu soo dhaweeyey wafdi sare oo ka socda Hay'adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dalka Pakistan ee NADRA oo uu hoggaaminayo Madaxa Mashaariicda Hay'adda, Mudane Rehman Qamar.

Ujeeddada kulanka ayaa ku aaddanayd xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo khibrad isweydaarsiga la xiriira casriyaynta kaabayaasha Nidaamyada Aqoonsiga, si loola jaanqaado tiknaloojiyadda casriga ah.

Wasiir Ku-xigeenka iyo Maareeyaha Guud ee NIRA ayaa uga mahadceliyey wafdiga Hay'adda NADRA iyo Dawladda Pakistan taageeradoodii farsamo ee ku aaddanayd hirgelinta Nidaamka Aqoonsiga Soomaaliya.

Wafdiga ayaa dhankooda uga mahadceliyay Dawladda Federaalka Soomaaliya soo-dhawaynta diirran ee loo fidiyay iyaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay ugu heellan yihiin gacan-siinta Hay’adda NIRA si looga miradhaliyo dadaallada lagu horumarinayo Nidaamka Aqoonsiga Qaranka Soomaaliyeed.

image
image
image
image
image