img

xarig-jarka xarunta NIRA ee Degmada Boondheere

Maareeye Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed, iyo Guddoomiyaha Degmada Boondheere, Mudane Cabdulaahi Xasan Sh. Cabdi Jahweyne, ayaa maanta si wadajir ah xarigga uga jaray Xarunta NIRA ay ku yeelanayso Degmada Boondheere.

Xafladda Xarig-jarka ayaa waxa sidoo kale qayb ka ahaa Agaasimaha Xiriirka Degmooyinka Maamulka Gobolka Benaadir, Mudane Muqtaar Maxamed Axmed, Guddoomiyaha Degmada Shangaani, Marwo Safiya shariif mohamed, Taliyaha Booliska Degmada Boondheere, Hawlwadeennada NIRA, iyo xubno ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada.

Hay'adda NIRA ayaa dadaal is-dabajoog ah ugu jirta sidii degmo kasta oo Soomaaliya ah loo gaarsiin lahaa Adeegga Aqoonsiga Qaranka si dhammaan dadweynaha loo diiwaangeliyo.