img

Hay'adda NIRA oo Xarun Cusub ka Furtay Degmada Gubadleey ee Gobolka Benaadir

 

 

Muqdisho, Soomaaliya, Octoobar 08, 2025 – Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa maanta xarun cusub ka daahfurtay Degmada Gubadleey ee Gobolka Benaadir, waxaana si wadajir ah xarigga uga jaray 

Maareeye Ku-Xigeenka Guud ee Hay'adda NIRA, Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed, iyo Guddoomiyaha Degmada Gubadleey, Mudane Cabdullaahi Nuur Maxamuud (Kaalibey). 

Maareeye Ku-Xigeenka Guud ee NIRA oo ka hadlay munaasabadda furitaanka ayaa xusay in tallaabada furitaanka Xarunta cusub ay qayb ka tahay dadaallada Hay'addu ugu jirto in adeegga loo dhaweeyo dadweynaha, isaga oo ugu baaqay shacabka Degmada Gubadleey inay qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka oo fure u ah adeeg-bixinta asaasiga ah ee dalka. 

Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Gubadleey ayaa Hay’adda NIRA uga mahadceliyay furitaanka xarunta, isaga oo shacabka degmada ku boorriyay inay is-diiwaangeliyaan isla markaana qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka oo laf-dhabar u ah tayaynta iyo casriyaynta adeeg-bixinta hay'adaha dowladda.

Munaasabadda xarig-jarka Xarunta Gubadleey ee Hay'adda NIRA ayaa waxa ka qayb-galay masuuliyiin ka socday Gobolka Benaadir, Dowladda Federaalka Soomaaliya, madax-dhaqameed, culimo, iyo wakiillo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada.

 

image
image
image
image
image
image
image