
- Go Home
- NIRA oo Xarun Cusub ka Furtay Degmada Heliwaa ee Gobolka Benaadir

NIRA oo Xarun Cusub ka Furtay Degmada Heliwaa ee Gobolka Benaadir
Muqdisho, Soomaaliya, Sebtember 22, 2025 – Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa maanta xarun cusub oo diiwaangelin ka daahfurtay Degmada Heliwaa ee Gobolka Benaadir, taas oo ay si wadajir ah xarigga uga jareen Maareeye Ku-Xigeenka Guud ee NIRA, Mudane Cabdiraxmaaan Siciid Axmed, Guddoomiye Ku-Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Benaadr, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), iyo Guddoomiyaha Degmada Heliwaa, Mudane Cabdifataax Maxamed Xareed.
Intii lagu guda-jiray munaasabadda furitaanka, Maareeye Ku-Xigeenka Guud ee NIRA, Guddoomiye Ku-Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Benaadir, iyo Guddoomiyaha Degmada ayaa ugu baaqay shacabka Heliwaa inay ka faa’iidaystaan adeegyada xarunta cusub isla markaana isu diiwaangeliyaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, iyaga oo hoosta ka xarriiqay in Aqoonsigu uu fure u yahay helitaanka adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, baasaboorka, bangiyada, iyo socdaalka gudaha dalka.
Xaruntan joogtada ah ee cusub ayaa noqonaysa tii 15-aad ee laga hirgeliyo degmooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho, taas oo muujinaysa sida ay NIRA uga go’an tahay baahinta adeegyadeeda iyo xaqiijinta in muwaaddin kasta oo Soomaaliyeed uu helo aqoonsi xambaarsan Tirsi aan is-beddeleyn isla markaana u gaar ah qof kasta.
Maareeye Ku-Xigeenka Guud ayaa ugu dambayntii shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay inay dulqaad muujiyaan maaddaama xarumaha kala duwan ee NIRA ay buux-dhaafiyeen muwaaddiniin tiro badan oo doonaya in la diiwaangeliyo, wuxuuna ballan-qaaday in Hay’addu ay mudnaan gaar ah siin doonto dardargelinta furitaanka xarumo cusub oo yareeya culayska hadda jira.






Join Our Mailing List
For receiving our news and updates in your Email inbox directly.