img

Xafladda Xarig-jarka Xarunta NIRA ee Degmada Kaaraan

Maareeye Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed, iyo Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Benaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa maanta si wadajir ah xarigga uga jaray Xarunta NIRA ay ku yeelanayso Degmada Kaaraan.

Xafladda Xarig-jarka ayaa waxa sidoo kale qayb ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Kaaraan, Mudane Faarax Cadaani Maxamed, Hawlwadeennada NIRA, iyo xubno ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada.

Hay'adda NIRA ayaa dadaal is-dabajoog ah ugu jirta sidii degmo kasta oo Soomaaliya ah loo gaarsiin lahaa Adeegga Aqoonsiga Qaranka si dhammaan dadweynaha loo diiwaangeliyo.

image
image
image
image
image