
- Go Home
- ๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ: โWaxa la farayaa dhammaan Hayโadaha ๐ถ๐ป ๐ฎ๐ ๐ฏ๐ถ๐ ๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ฎ๐ฑ๐ฒ๐ฒ๐ด๐๐ฎ๐ฑ๐ผ๐ผ๐ฑ๐ฎ ๐ธ๐ ๐ ๐ถ๐ฟ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐๐พ๐ผ๐ผ๐ป๐๐ถ๐ด๐ฎ ๐ค๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎโ
๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ: โWaxa la farayaa dhammaan Hayโadaha ๐ถ๐ป ๐ฎ๐ ๐ฏ๐ถ๐ ๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ฎ๐ฑ๐ฒ๐ฒ๐ด๐๐ฎ๐ฑ๐ผ๐ผ๐ฑ๐ฎ ๐ธ๐ ๐ ๐ถ๐ฟ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐๐พ๐ผ๐ผ๐ป๐๐ถ๐ด๐ฎ ๐ค๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎโ
Muqdisho, Isniin, 07 Abriil 2025: โ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan heerkiisu sarreeyo oo looga hadlayey dhaqangelinta adeegsiga Aqoonsiga Qaranka, iyo isku-xirka Nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada kala duwan ee ay bixiyaan hayโadaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, si loo dardargeliyo dhijitaalaynta iyo tayaynta adeegyada dadweynaha.
Raโiisul Wasaaraha ayaa faray dhammaan hayโadaha ay khusayso in si buuxda loo dhaqangeliyo adeegsiga Aqoonsiga Qaranka, isaga oo xusay in kulanka ka dib la soo saarayo qaraar faahfaahinaya arrintan, una gogol-xaaraya adeegsiga buuxa ee Aqoonsiga Qaranka, kaas oo udub-dhexaad u ah dhaqangelinta Qorshaha Isbeddelka Qaran ee diiradda lagu saarayo casriyaynta iyo dhijitaalaynta adeegyada dowladda iyo kuwa ganacsiyada gaarka loo leeyahay. ย
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta, iyo Arrimaha Federaalka, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), oo kulanka ka hadlay ayaa isna faahfaahiyay muhiimadda ay leedahay isku-xirka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada kala duwan ee dalka, isaga oo xusay in dhaqangelinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranku uu wax badan ka tari doono geeddi-socodka dowladnimada iyo horumarka dalka.
Maareeyaha Guud ee NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) oo isna shirka soo-jeedin qotadheer ka jeediyay ayaa sharraxay sida Kaarka Aqoonsiga Qaranka uu u yahay aalad lagama-maarmaan u ah sare u qaadidda hufnaanta adeegyada dowladda, dardargelinta dhijitaalaynta adeegyada kala duwan, xoojinta isla-xisaabtanka, iyo dhisidda kalsoonida dadweynuhu ku qabo hayโadaha dowladda.
Maareeyaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta, iyo Arrimaha Federaalka, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), sida ay uga goโantahay dhaqan-gelinta Aqoonsiga Qaranka iyo garab is-taagga joogtada ah ee ay u muujiyaan Hayโadda NIRA.
DHAMMAAD




Join Our Mailing List
For receiving our news and updates in your Email inbox directly.