
- Go Home
- Wafti ka socda Dowladda JFS oo uu hoggaaminaayo Mareeyaha Hay'adda NIRA, ayaa qayb ka ahaa shirwayne aqoon is-waydaarsi ah oo ka dhacay Dalka Filibbiin

Wafti ka socda Dowladda JFS oo uu hoggaaminaayo Mareeyaha Hay'adda NIRA, ayaa qayb ka ahaa shirwayne aqoon is-waydaarsi ah oo ka dhacay Dalka Filibbiin
Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa ku sugan dalka Filibbiin halkaas oo uu uga socdo aqoon kororsi iyo khibrad is-weydaarsi soconaya muddada u dhexaysa 9–13 Juun 2025. Wafdiga waxaa si rasmi ah u soo dhawaysay Marwo Rosalinda P. Bautista, oo ah Ku-Xigeenka Tirakoobyada ee Hay’adda Tirakoobka Qaranka (Philippine Statistics Authority - PSA), taas oo maamusha Nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee Filibbiin (PhilSys ID). Hay’adda ayaa ku guulaysatay inay si degdeg ah u diiwaangeliso 80% dadweynaha dalka, oo ah ku dhawaad 92 milyan oo qof.
Sidoo kale, Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA iyo xubnaha ku wehelinaya safarka ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka Filibbiin, waxay kulan muhiim ah la yeesheen Dr. Dennis S. Mapa, oo ah Madaxa Tirakoobka Qaranka ahna Madaxa Diiwaangelinta Dadweynaha ee PSA, iyada oo laga wada-hadlay hirgelinta barnaamijyada aqoonsi ee dhijitaalka ah.
Wafdiga waxaa qayb ka ah saraakiil ka socda NIRA, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, iyo Ururka Bangiyada Soomaaliyeed, waxaana inta lagu guda-jiro booqashadan diiradda la saarayaa mawaadiic ay ka mid yihiin is-dhaafsiga khibradaha la xiriira maaraynta iyo hirgelinta nidaamyada aqoonsiga dhijitaalka ah, diiwaangelinta baahsan, istaraatijiyadaha wacyigelinta, iyo sugidda amniga xogta dadweynaha.






Join Our Mailing List
For receiving our news and updates in your Email inbox directly.