img

ISKU XIRKA KAARKA AQOONSIGA QARANKA IYO PASSPORT-KA DFS

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผโ€“ Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka qabsoomay kulan muhiim ah oo u dhexeeyay Hayโ€™adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) iyo Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlayay is-waafajinta adeegyada labada hayโ€™adood iyo qorsheyaasha la xiriira adeegsiga Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Kulanka oo uu shir guddoomiyay Wasiirka Amniga Gudaha, ๐—–๐—ฎ๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ต๐—ถ ๐—ฆ๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ธ๐—ต ๐—œ๐˜€๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ถ๐—ถ๐—น (๐—™๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐—ด), waxaa qeyb ka ahaa:

โ€ข Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ๐—–๐—ฎ๐—น๐—ถ ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—–๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ (๐—–๐—ฎ๐—น๐—ถ ๐—•๐—ฎ๐—น๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ)

โ€ข Maareeyaha Hayโ€™adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), ๐—–๐—ฎ๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐˜„๐—ฎ๐—น๐—ถ ๐—–๐—ฎ๐—น๐—ถ ๐—–๐—ฎ๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—น๐—ฒ (๐—ง๐—ถ๐—บ๐—ฎ-๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฒ)

โ€ข Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, ๐— ๐˜‚๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ณ ๐——๐—ต๐˜‚๐˜…๐˜‚๐—น๐—ผ๐—ผ๐˜„

โ€ข Howlwadeeno ka kala socday labada hayโ€™adood.

๐—จ๐—ท๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ:

โ€ข Hirgelinta isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee qaadashada baasaboorka

โ€ข Dardargelinta aqoonsiga caalamiga ah ee Baasaboorka Soomaaliga

โ€ข Sugidda iyo tayeynta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed

โ€ข Xoojinta is-dhexgalka nidaamyada xog-wadaagga ee HSJ iyo NIRA

โ€ข Dhisidda hannaan joogto ah oo ay si wadajir ah u fuliyaan labada hayโ€™adood

Intii uu socday kulanka, waxaa laysla meel dhigay in laga bilaabo:

๐Ÿญ-๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ฒ๐—ฏ๐˜๐—ฒ๐—ฒ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ dadka qaadanaya Baasaboorka waa in ay haystaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo sugnaanta iyo kalsoonida xogta muwaadinka.

Sidoo kale, waxaa la goโ€™aamiyay in laga bilaabo:

๐Ÿญ-๐—ฑ๐—ฎ ๐—๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ dhammaan socdaalka gudaha dalka lagu xiro isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo hubiyo xogta shakhsiga ah ee muwaadiniinta.

Labada Hay'adood ayaa muddooyinkii u dambeeyay si wadajir ah uga shaqeynayay is-waafajinta adeegyada dowliga ah ee ay siiyaan dadweynaha, si muwaadiniinta loogu sahlo helitaanka xaquuqdooda dastuuriga ah.

Tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu mideynayo xogaha muwaadiniinta, laguna adkeynayo dhawrista xogta, ammaanka, iyo hufnaanta adeegyada dowladda.

image
image
image
image
image
image