
- Go Home
- Kulan Looga Arrinsanayay Dardar-galinta Aqoonsiga Iyo Diiwaangalinta dadweynaha Gobolka Benaadir

Kulan Looga Arrinsanayay Dardar-galinta Aqoonsiga Iyo Diiwaangalinta dadweynaha Gobolka Benaadir
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay arrimaha Aqoonsiga Iyo Diiwaangalinta dadweynaha.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta diiwangelinta dadweynaha baahsan ee ka socota Gobolka Benaadir, sugidda amiga ee xilliga diiwaangelinta, hufnaanta adeegyada dadweynaha, iyo daadejinta adeegga Hay'adda NIRA.
Shirka ayaa waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Xasan Maxamed Xuseen(Muungaab), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, Maareeyaha Hay’adda Aqoonisga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), Maareeye Ku-xigeenka Hay'adda NIRA, Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed, iyo Masuuliyiin kale.





Join Our Mailing List
For receiving our news and updates in your Email inbox directly.