
- Go Home
- Daah-furka Tababarka U-qaybsanayaasha Safaaradaha ee Bixinta Aqoonsiga Qaranka

Daah-furka Tababarka U-qaybsanayaasha Safaaradaha ee Bixinta Aqoonsiga Qaranka
Muqdisho, Sabti, 23-ka Agoosto 2025 - Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa si wadajir ah u daah-furay tababar loo qabtay ku dhowaad 30 ka mid ah U-qaybsanayaasha Safaaradaha Soomaaliya ee dibadda. Tababarkan oo socon doona muddo lix maalmood ah ayaa diiradda lagu saari doonaa bixinta Aqoonsiga Qaranka iyo casriyeynta adeegyada Baasaboorka si loogu fududeeyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka dibaddiisa helitaanka adeegyada Aqoonsiga Qaranka.
Maareeyaha Guud ee NIRA, Mudane Cabdiwali Cali Cabdulle (Timacadde), oo furitaanka tababarka ka hadlay ayaa faahfaafhiyay horumarka baaxadda leh ee ay hay’addu muddo kooban ku tallaabsatay iyada oo hirgelisay in ka badan 50 xarumood oo diiwaangelin, isaga oo sidoo kalena xusay in isku xirka nidaamyada Aqoonsiga Qaranka iyo Baasaboorku ay si weyn u tayayn doonto baasaboorka Soomaaliyeed.
Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa sheegay in maalintan ay leedahay muhiimad taariikhi ah maaddaama ay ka turjumeyso isla-falka iyo iskaashiga hay’adaha dowladda ee lagu horumarinayo adeegyada dadweynaha. Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in tayaynta baasaboorka Soomaaliyeed uu yahay waajib qaran oo ay tahay in labada hay’adood ay iska kaashadaan.
Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir, ayaa bogaadiyay wada-shaqeynta labada hay’adood, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu leeyahay Aqoonsiga Qaranka, kana warbixiyay in dhawaan la meel-marin doono sharciga dad-dhigista.
Dhankiisa, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in tababarkani uu astaan u yahay bilow wanaagsan oo hay’adaha dowladda ku mideynayaan dadaallada lagu fududeynayo adeegyada dadweynaha iyo tayeynta baasaboorka.
Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo ugu dambayn furay tababarka ayaa tilmaamay in dowladnimada casriga ahi ay ku dhisan tahay nidaam mideysan oo hal meel laga hago, isagoo xusay in hay’ado kale oo dowladeed lagu soo dari doono nidaamyada casriga ah ee aqoonsiga si loo xaqiijiyo ammaanka iyo isku-xirnaanta adeeg-bixinta dowladda. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in laga bilaabo 1-da Sebteembar, qof aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka aanu heli doono baasaboorka, iyo in marka la gaaro 1-da Janaayo aan gudaha dalka lagu safri karin la’aanta Kaarka Aqoonsiga Qaranka.
Maalintii koowaad ee tababarka ayaa diiradda lagu saaray shuruucda iyo xeer-nidaamyada NIRA, hab-dhaqanka hawl-wadeennada, iyo ilaalinta xogta muwaaddiniinta. Muddada lixda maalmood ah ee soo socotana, ka qaybgalayaashu waxay lafa-guri doonaan mawduucyo ay ka mid yihiin: hab-raacyada diiwaangelinta, amniga internetka (cybersecurity), isku-xirka nidaamyada aqoonsiga iyo baasaboorka, adeegga muwaaddinka, iyo hirgelinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka Soomaaliyeed.






Join Our Mailing List
For receiving our news and updates in your Email inbox directly.