
- Go Home
- Maareeyaha Hay’adda NIRA oo kormeer ku tegay Xarunta Hay’adda ee Degmada Shingaani

Maareeyaha Hay’adda NIRA oo kormeer ku tegay Xarunta Hay’adda ee Degmada Shingaani
Maareeyaha Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa kormeer ku tegay Xarunta Hay’adda ee Degmada Shingaani oo ay ka socoto diiwaangelinta dadwaynaha iyo kaar-bixinta aqoonsiga qaranka.
Maareeyaha oo halkaasi kula hadlay qaybo kamid ah bulshada ayaa uga mahadceliyay sida habsimada leh ee ay safafka dhaadheer ugu jiraan is-diiwaangelinta iyo qaadashada kaarka aqoonsiga qaranka, isagoona ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan inta ay shaqadu socoto.
Dhanka kale Maareeyaha ayaa shaqaalaha Hay’adda ku boorriyay inay laba-jibbaaraan dedaalkooda, isagoona uga mahadceliyay sida naf-hurnimada leh ee ay dadweynaha ugu adeegayaan.
Ugu dambayntii Maareeyaha ayaa bulshada uga jawaabay su’aalo kala duwan oo ku aaddan aqoonsiga qaranka iyo adeegyada uu lagama-maarmaanka u yahay.


Join Our Mailing List
For receiving our news and updates in your Email inbox directly.