
- Go Home
- Tababar ku saabsan Farsamooyinka Hubinta Aqoonsiga.

Tababar ku saabsan Farsamooyinka Hubinta Aqoonsiga.
Maareeyaha guud ee Hayโadda Aqoonsiga iyo Diwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane ๐๐ฎ๐ฏ๐ฑ๐ถ๐๐ฒ๐น๐ถ ๐๐ฎ๐น๐ถ ๐๐ฎ๐ฏ๐ฑ๐๐น๐น๐ฒ (๐ง๐ถ๐บ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฒ) ayaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ka furay tababar ku saabsan Farsamooyinka lagu Hubiyo Aqoonsiga.
Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle, ayaa khudbaddiisa furitaanka ku sheegay in nidaamka Aqoonsiga Qaranka uu yahay laf-dhabarta la dagaallanka dambiyada xuduudaha iyo xoojinta amniga gudaha. Mareeyaha ayaa xusay in hayโaddu ay ku jirto dadaallo muhiim ah oo lagu gaarsiinayo aqoonsiga rasmiga ah dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Munaasibadda furitaanka tababarka waxaa qeyb ka ahaa Safiirka Dowlada Norwey u fadhiya Dalka Kenya, Mudane ๐๐๐ป๐ป๐ฎ๐ฟ ๐๐ป๐ฑ๐ฟ๐ฒ๐ฎ๐ ๐๐ผ๐น๐บ, Agaasimaha Guud ee Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), Mudane, ๐ ๐๐๐๐ฎ๐ณ๐ฒ ๐ฆ๐ต๐ฒ๐ฒ๐ธ๐ต ๐๐ฎ๐น๐ถ ๐๐ต๐๐ ๐๐น๐ผ๐, Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada Soomaliyada (CID) Mudane ๐ ๐๐ ๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ถ๐ถ๐ป ๐๐ ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐๐๐บ๐ฎ๐ฎ๐ป iyo Agaasimaha guud ee Socdaalka dowlada Kenya Mudane ๐๐ ๐๐๐ฒ๐น๐๐ป ๐๐ต๐ฒ๐น๐๐ด๐ฒ๐.
Tababarkan ayaa ka mid ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dalalka gobolka si loo horumariyo hababka hubinta Aqoonsiga, loona dhiso awood sharciyeed si laysugu safro si nabada ah, iyadoo la adeegsanayo tiknoolojiyad casri ah iyo xirfado cusub oo sugan.





Join Our Mailing List
For receiving our news and updates in your Email inbox directly.