
- Go Home
- Hay'adda NIRA oo ka Qayb-gashay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

Hay'adda NIRA oo ka Qayb-gashay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran
Muqdisho, Soomaaliya, September 17, 2025 — Muqdisho, Soomaaliya, September 17, 2025 — Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa ka qayb-gashay xuska Sannad-Guurada Saddexaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Dan Qaran iyo Bandhigga Waxqabadka 2022–2025, iyada oo madasha ku soo bandhigtay horumarka baaxadda leh ee laga sameeyay baahinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya.
Intii ay socotay munaasabaddu, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa booqday goobta loo asteeyay Hay'adda ee Madasha Bandhigga.
Maareeyaha Guud ee NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) oo uu weheliyo Ku-xigeenka Mareeyaha Guud, Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed, ayaa madaxda qaranka la wadaagay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan guulaha ay hay’addu gaartay saddexdii sano ee la soo dhaafay iyo qorshayaasheeda mustaqbalka. Masuuliyiinta qaranka ayaa dhankooda bogaadiyay waxqabadka muuqda ee Hay'adda, iyaga oo ku boorriyay hoggaanka iyo hawl-wadeennada NIRA inay sii laba-jibbaaraan dadaalka qaran ee loogu jiro diiwaangelinta dhammaan dadka Soomaaliyeed.
Hay’adda NIRA ayaa ku guulaysatay in ay diiwaangeliso ku dhowaad nus milyan qof tan iyo markii la daahfuray Nidaamka Aqoonsiga Qaranka bishii Sebtembar ee sannadkii 2023, iyada oo sidoo kalena hirgelisay kaabayaasha asaasiga ah sida mashiinnada daabacaadda, xarumaha, qalabka diiwaangelinta, kaararka, nidaamyada eAqoonsi, Hubiye, Shahaado-bixinta (CDS), iyo shaqaalaysiinta hawl-wadeennada laf-dhabarta u ah taabagelinta nidaamka Aqoonsiga Qaranka.
NIRA waxay sidoo kale ku guuleysatay inay Aqoonsiga Qaranka ka hirgeliso 30 safaaradood oo dalka dibaddiisa ah, iyo inay adeegyo muhiim ah oo dowladeed iyo kuwo gaar loo leeyahay ku xirto nidaamka Aqoonsiga Qaranka; taas oo ka dhigaysa kaarka Aqoonsiga Qaranka udub-dhexaadka helitaanka waxbarashada, bangiyada, bixinta baasaboorka, shatiga ganacsiga, socdaalka gudaha dalka, iyo adeegyada kale ee lagama-maarmaanka ah.










Join Our Mailing List
For receiving our news and updates in your Email inbox directly.