
- Go Home
- Munaasabadda Afur-wadareedka Hawl-wadeennada NIRA

Munaasabadda Afur-wadareedka Hawl-wadeennada NIRA
Muqdisho, Soomaaliya – Maarso 20, 2025 – Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay Munaasabad Afur-wadareed ah oo loogu talagalay in lagu dhiirrigeliyo dhammaan shaqaalaha NIRA iyo hawl-wadeennada ka qayb-qaadan doona diiwaangelinta baahsan ee dhawaan dalka oo dhan ka bilaabmi doonta.
Maareeyaha Guud ee NIRA, Mudane Abdiweli Ali Abdulle (Timacadde), oo munaasabadda ka hadlay ayaa dhammaan shaqaalaha iyo hawl-wadeennada NIRA uga mahadceliyey sida ay uga go’an tahay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku shaqeeya duruufo iyo xaalado adag.
"Waxaad tihiin laf-dhabarta hindisahan qaran. Adkaysigiina, xirfaddiina iyo dadaalkiina aad u hurteen dhismaha iyo taabagelinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee casriga ah ayaa noqon doona mid ay u aayaan jiilasha soo socda. Aniga oo ku hadlaya magaca NIRA iyo kan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaan idiinka mahadcelinayaa shaqada wanaagsan ee aad qabateen," ayuu yiri Mudane Abdiweli Ali Abdulle.
Maareeyaha Guud ayaa si qotadheer uga hadlay hiigsiga NIRA ee ku aaddan hirgelinta nidaam Aqoonsi Qaran oo lagu kalsoonaan karo, ammaan ah, isla markaana dadka oo dhan gaara, kaas oo xaqiijinaya in muwaaddin kasta oo Soomaaliyeed uu helo aqoonsig sharci ah oo u sahlaya helitaanka adeegyada aasaasiga ah iyo ka qayb-qaadashada horumarka dalka.
Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in NIRA dhawaan bilaabi doonto olole baahsah oo diiwaangelin, kaas oo lagu xaqiijinayo in qof kasta uu helo Kaarka Aqoonsiga Qaranka. Ololahani wuxuu gaari doonaa dhammaan gobollada dalka, wuxuuna diiradda saari doonaa meelaha fog-fog iyo deegaannada miyiga.
Sidoo kale, Maareeye Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed, oo munaasabadda ka hadlay ayaa kula dardaarmay dhammaan shaqaalaha iyo hawl-wadeennada NIRA in ay adkeeyaan xirfaddooda, dhexdhexaadnimadooda, iyo hufnaantooda inta ay ku guda-jiraan shaqada muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta kalsoonida dadweynaha iyo dhowrista xogtooda si waafaqsan sharciga.
"Diiwaangelin kaliya ma samayno balse waxaan dhidibbada u taagaynaa kaabayaal dhijitaal ah oo gundhig u noqon doona horumarka Soomaaliya ee mustaqbalka. Sidaasi awgeed, aan si joogto ah uga dadaalno inaan shacabka Soomaaliyeed ugu adeegno si hufan, caddaalad ah, kana turjumaysa qiyamkeena hay’adeed," ayuu yiri Maareeye Ku-xigeenka Guud.
Munaasabadda ayaa kusoo idlaatay dardaaran iyo ballan-qaad ku aaddan sida ay NIRA uga go’an tahay in Kaarka Aqoonsiga Qaranka la gaarsiiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed si uu muwaaddin walba u noqdo mid haysta aqoonsi rasmi ah, una helo adeegyada uu xaqa u leeyahay.













Join Our Mailing List
For receiving our news and updates in your Email inbox directly.