
- Go Home
- Xafladda Xarig-jarka Xarunta NIRA ee Degmada Xamar-jajab

Xafladda Xarig-jarka Xarunta NIRA ee Degmada Xamar-jajab
Maareeye Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed, iyo Xoghaya Guud ee Gobolka Benaadir, Mudane Faysal Carraale Afrax, ayaa maanta si wadajir ah xarigga uga jaray Xarunta NIRA ay ku yeelanayso Degmada Xamar-jajab si dadweynaha ku dhaqan degmada loogu dhaweeyo adeegga diiwaangelinta Aqoonsiga Qaranka.
Munaasabadda Xarig-jarka ayaa waxa sidoo kale ka qayb-galay Guddoomiyaha isboortiga Gobolka Benaadir, Guddoomiyaha Degmada Xamar-jajab, Mudane Ismaaciil Maxamed Xuseen Taliyaha Booliska Degmada Xamar-jajab, Masuuliyiinta NIRA, iyo wakiillo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada.
Maareeye Ku-xigeenka oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Maamulka Gobolka Benaadir iyo kan Degmada Xamar-jajab siday Hay’adda NIRA ugala shaqeeyeen furitaanka xaruntan, isaga oo shacabka degmada ku boorriyay inay is-diiwaangeliyaan.
Munaasabadda furitaanka ayaa waxa sidoo kale qayb ka ahaa ciyaar saaxiibtinnino oo lagu dhiirrigelinayay isdhexgalka dadka degmada iyo qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka




Join Our Mailing List
For receiving our news and updates in your Email inbox directly.