img

Madaxda DFS oo Goobta NIRA ku Leedahay Bandhigga Waxqabadka Dan Qaran

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Ra’iisul-Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa soo booqday goobta Hay’adda NIRA ee Munaasabadda Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran, iyada oo Maareeyaha Hay’adda Mudane Cabdiweli Timacadde uu warbaxin ka siiyay horumarka ay Hay’addu ku tallaabsatay.

Hay'adda NIRA oo qayb ka ah Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran, ayaa Munaasabadda Sannad-guurada 2aad ee Xukuumadda uu hoggaamiyo Mudane RW Xamza Cabdi Barre ku soo bandhigtay guulaha ay ku tallaabsatay muddadii ay jirtay. 

Hay'addu waxa ay sidoo kale madaxda iyo dadweynaha kasoo qaybgalay bandhigga u fududaysay Diiwaangelinta Aqoonsiga Qaranka.

image
image
image
image
image
image