img

Hay'adda Aqaoonsiga iyo Diiwangelinta Qaranka (NIRA) Laanteeda Koonfur Galbeed ayaa Kulan Wacyigelin ah u qabatay Haweenka Magaalada Baydhabo taas oo lagu Maamuusayay Maalinta Haweenka Adduunka ee 8 Maarso, 2025

Hay'adda Aqaoonsiga iyo Diiwangelinta Qaranka NIRA Laanteeda Koonfur Galbeed ayaa maanta Kulan Wacyigelin ah u qabatay Haweenka Magaalada Baydhabo taas oo lagu Maamuusayay Maalinta Haweenka Adduunka ee 8 Maarso, 2025.

Kulanka waxa si rasmi ah u furay Agaasimaha hay,adda NIRA ee Laanta KGS, Mudane Shuceyb Nuur Xuseen, isaga oo sheegay in ujeeddada kulanku ay tahay xuska maalintan iyo aqoonsashada doorka haweenka Soomaaliyeed.

Intii kulanka socday waxaa la diiwaangeliyay dhammaan ka qayb-galayaashii Munaasabadda, waxaana diiradda la saaray muhiimadda Kaarka Aqoonsiga Qaranka, habraaca diiwaangelinta, sugidda amniga xogta gaarka ah ee shakhsiga, iyo sida ay lagama-maarmaan u tahay in muwaaddin kasta uu qaato Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

image
image
image
image
image