img

๐—Ÿ๐—”๐—”๐—ก๐—ง๐—” ๐—›๐—”๐—ฌ'๐—”๐——๐——๐—” ๐—ก๐—œ๐—ฅ๐—” ๐—˜๐—˜ ๐—š๐—”๐—Ÿ๐— ๐—จ๐——๐—จ๐—š ๐—ข๐—ข ๐—ฆ๐—œ ๐—ฅ๐—”๐—ฆ๐— ๐—œ ๐—”๐—› ๐—ซ๐—”๐—ฅ๐—œ๐—š๐—š๐—” ๐—Ÿ๐—ข๐—ข๐—š๐—” ๐—๐—”๐—ฅ๐—”๐—ฌ

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane ๐˜ผ๐™ญ๐™ข๐™š๐™™ ๐˜พ๐™–๐™—๐™™๐™ž ๐™†๐™–๐™–๐™ง๐™ž๐™ฎ๐™š (๐™Œ๐™ค๐™ค๐™ง๐™ฆ๐™ค๐™ค๐™ง) oo uu weheliyo Maareeyaha Guud ee Hayโ€™adda NIRA, Mudane ๐—–๐—ฎ๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐˜„๐—ฒ๐—น๐—ถ ๐—–๐—ฎ๐—น๐—ถ ๐—–๐—ฎ๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—น๐—ฒ (๐—ง๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฒ), ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Laanta Guud ee ay Hay'adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranku (NIRA) ku yeelanayso magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka ๐—š๐—ฎ๐—น๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด, iyo xarumaha magaalooyinka kale sida ๐—š๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ๐—ฐ๐˜†๐—ผ, ๐—–๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ผ, ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐˜‚๐—ฑ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—พ.

Madaxweyne ๐˜ผ๐™ญ๐™ข๐™š๐™™ ๐˜พ๐™–๐™—๐™™๐™ž ๐™†๐™–๐™–๐™ง๐™ž๐™ฎ๐™š (๐™Œ๐™ค๐™ค๐™ง๐™ฆ๐™ค๐™ค๐™ง) oo munaasabadda ka hadlay ayaa bogaadiyay horumarka ballaaran ee ay hayโ€™addu ku tallaabsatay muddadii ay jirtay isaga oo faahfaahiyay muhiimadda Kaarka Aqoonsiga Qaranku u leeyahay guud ahaan dalka, gaar ahaanna dadweynaha reer ๐—š๐—ฎ๐—น๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด.

Maareeye ๐—ง๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฒ ayaa isna dhankiisa uga mahadceliyay Madaxweynaha, xukuumaddiisa, iyo guud ahaan shacabka ๐—š๐—ฎ๐—น๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen iyo sida ay ugu heellan yihiin inay isu diiwaangeliyaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka oo wax badan ka tari doona horumarka dalka, isagoo sheegay in Hayโ€™addu ay si dakhso ah u furi doonto xarumaha dowlad goboleedyada iyo degmooyinka kale ee dalka.

Munaasabadda Xarig-jarka ayaa waxa ka soo qayb-galay masuuliyiinta ugu sarsarreysa Dowlad Goboleedka ๐—š๐—ฎ๐—น๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด sida Wasiirro, Xildhibaanno, hawl-wadeennada NIRA, iyo wakiillo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada.

Hay'adda NIRA ayaa ku hawlan hirgelinta qorshaha baahinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyada oo dhawaan xarigga ka jari doonta laamaha iyo xarumaha ay ku yeelanayso dowlad goboleedyada harsan oo badankooda la qalabeeyay, si looga dhabeeyo yoolka Hay'adda ee ku aaddan diiwaangelinta dhammaan dadka Soomaaliyeed.

image
image
image
image
image