
- Go Home
- Xarig-jarka xarunta NIRA ee Degmada Warta Nabadda

Xarig-jarka xarunta NIRA ee Degmada Warta Nabadda
Maareeye Ku-xigeenka Guud ee Hay'adda NIRA, Mudane Cabdrahmaan Siciid Axmed iyo Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda, Marwo Saynab Maxamuud Xaabsey, ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray Xarunta Hay'addu ku yeelanayso Degmada Warta Nabadda si shacabka deegaanka loogu dhaweeyo adeegga Aqoonsiga Qaranka.
Guddoomiyaha Degmada ayaa intii munaasabaddu socotay bogaadiyay dadaallada Hay'adda NIRA, iyadoona ku boorrisay dhammaan shacabka degmada inay is-diiwaangeliyaan oo ay qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, kaasi oo dhawaan ay ku xirmi doonaan adeeg-bixinta hay'adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Maareeye Ku-xigeenka ayaa isna dhankiisa sheegay in Hay'adda NIRA ay ka go'an tahay in degmo kasta oo Soomaaliyeed la gaarsiiyo Aqoonsiga Qaranka oo ah Xaq uu leeyahay qof walba oo Soomaaliyeed, aasaasna u noqon doona adeeg-bixinta dalka oo idil.
Xafladda Xarig-jarka ayaa waxa sidoo kale qayb ka ahaa Agaasimayaal ka tirsan Maamulka Gobolka Benaadir iyo Hay'adda NIRA, Taliyaha Booliska Degmada Warta Nabadda, Xildhibaanno iyo masuuliyiin heer federaal ah, iyo xubno metelayay qaybaha kala duwan ee bulshada.
DHAMMAAD








Join Our Mailing List
For receiving our news and updates in your Email inbox directly.