
- Go Home
- Xafladda Xarig-jarka Xarunta NIRA ee Degmada Dharkeenley

Xafladda Xarig-jarka Xarunta NIRA ee Degmada Dharkeenley
Hay'adda NIRA ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jartay Xarunta cusub ee Hay'addu ku yeelanayso Degmada Dharkeenley si ay adeegyadeeda ugu soo dhawayso dadweynaha ku dhaqan degmada.
Xarunta ayaa waxa si rasmi ah xarigga uga jaray Gudooomiyaha Gobolka Benaadir, Mudane Maxamed Amiir iyo Maareeyaha Hay'adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), waxaana goobjoog ka ahaa Ra'iisul-wasaare hore, Mudane Cali Maxamed Geeddi, Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley, Col. Maxamuud Xaaji Cali Fidow, Xildhibaanno iyo Senataro ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed, iyo marti sharaf kale.
Hay'adda NIRA ayaa dardargelin ku wadda sidii Nidaamka Aqoonsiga Qaranka loogu baahin lahaa dhammaan degmooyinka Muqdisho, iyo guud ahaan dalka oo dhan si loo xaqiijiyo yoolkeeda ku aaddan diiwaangelinta dadweynaha Soomaaliyeed.







Join Our Mailing List
For receiving our news and updates in your Email inbox directly.