img

Maareeye Timacadde oo kormeer shaqo ku tagay xarunta Hay'adda NIRA ee Gaalkacyo

Maareeyaha Guud ee Hay'adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa kormeer shaqo ku tegay Xarunta Hay'adda NIRA ku leedahay magaalada Gaalkacyo.

Madaxa Hay'adda NIRA ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Dr. Cabdicasiis Aadan Xaashi, oo Maareeyaha ku soo dhaweeyay Xarunta ayaa uga warbixiyay Habsami-u-socodka shaqada diiwaangelinta.

Booqashada Maareeyaha ayaa ujeedkeedu ahayd u-kuurgelidda xaaladda guud ee Xarunta iyo duruufta ay ku shaqeeyaan hawl-wadeennadeeda kala duwan, isagoo ku boorriyay inay dardargeliyaan shaqada hufan ee ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan.

image
image
image
image