img

Kulan Aqoon Isweydaarsi oo ku aaddan Hubinta Aqoonsiga Qaranka.

Maareeye kuxigeenka Guud ee Hay’adda NIRA Mudane Cabdiraxmaan siciid Axmed, ayaa maanta soo gebogebeeyay kulan aqoon iswaydaarsi oo muddo labo maalmood ah u socday adeegbixiyayaal Kala duwan oo lagu tabobarayay Nidaamka hubinta Iyo xaqiijinta saxnimada Aqoonsiga Qaranka ee Hubiye Platform.

Waxaa kulanka goobjoog ahaa Guddoomiyaha Fulinta ururka bangiyada soomaaliyeed Mudane Dr Axmed khadar Axmed Jaamac isaga oo Hay’adda NIRA uga mahadceliyay hirgelinta nidaamka casriga ah ee Hubiye iyo soo qabanqaabinta kulankan iyo martiqaadka hay'adaha kala duwan ee adeegbixiyayaasha ah bangiyaduna ka mid yihiin.

Gebagebadii kulanka Maareeye ku xigeenka ayaa uga mahadceliyay adeegbixiyaasha kasoo qaybgalka tabobarkan isagoo ku boorriyay in aqoontii Iyo khibradda ay korodhsadeen usii gudbiyaan hay'adahooda kala duwan. wuxuu sidoo kale Maareey kuxigeenku faray in dhammaan adeegbixiyaasha kala duwani ay dardargeliyaan isku xirka aqoonsiga Qaranka Iyo adeegyadooda, si taasi u hirgashona waa inay dedejiyaan isla-falgelinta nidaamka hubinta aqoonsiga qaranka Iyo ka adeegbixiyaasha.

image
image
image
image
image
image
image
image
image
image
image
image
image
image
image