- Go Home
- NIRA and NCA Host Consultative Meeting with Telecom Companies to Integrate National ID with Telecom Services
NIRA and NCA Host Consultative Meeting with Telecom Companies to Integrate National ID with Telecom Services
- English
Mogadishu, Somalia – 07/09/2024: The National Identification and Registration Authority (NIRA) and the National Communications Authority (NCA) jointly hosted a consultative meeting with representatives from Somali telecommunications companies to explore ways of linking telecom services with the National Identification System. The meeting focused on accelerating the integration of the National ID System with services such as SIM card registration and mobile money transactions, ensuring that identification becomes a core requirement for telecommunications services.
Speaking at the opening of the meeting, NIRA Director General Abdiweli Ali (Timacadde) emphasized the importance of collaboration between telecom providers and NIRA. “The partnership between NIRA and telecommunications companies is a critical step in ensuring that the National Identification System is reliable and contributes to Somalia’s communication services,” he said.
The Director General of NCA echoed these sentiments, stating that “Establishing a National ID system is vital for advancing the communication sector and protecting consumer interests.”
The meeting concluded with an agreement to form technical committees involving NIRA, NCA, and telecom representatives to develop detailed plans for the signing of an official MoU between the sides interlinking the National ID with telecom services. These committees will also focus on raising awareness among customers about the importance of registering their identities with telecom providers and ensuring compliance with both national and international regulations.
- Somali
Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Kulan Wadatashi ah la Yeeshay Shirkadaha Isgaarsiinta Qaranka.
Muqdisho, Soomaaliya – Sebtember 07, 2024: Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa si wadajir ah u qabtay Kulan Wadatashi ah oo ay ka qayb-galeen wakiillo ka socday Shirkadaha Isgaarsiinta dalka, diiraddana lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa dhaqangelinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyada oo lagu xirayo adeegyada Shirkadaha Isgaarsiinta.
Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) oo furitaanka kulanka ka hadlay ayaa yiri “Iskaashiga ka dhexeeya NIRA iyo shirkadaha isgaarsiinta waa tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo in nidaamka Aqoonsiga Qaranka uu noqdo mid la isku halleyn karo oo wax ka taraya adeegyada isgaarsiinta ee Soomaaliya. Wada shaqeyntani waxay siinaysaa ummadda Soomaaliyeed fursad ay ku heli karaan aqoonsi rasmi ah.”
Sidoo kale Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo isna kelmaddiisa furitaanka ka jeediyay kulanka ayaa sheegay “Dhismaha nidaamka Aqoonsiga Qaranka wuxuu muhiim u yahay horumarinta isgaarsiinta dalka iyo ilaalinta danaha macaamiisha. Waxaan diyaar u nahay inaan si dhow ula shaqeyno shirkadaha isgaarsiinta si aan u hubinno in nidaamkani uu noqdo mid wax ku ool ah oo si buuxda ugu shaqeeya macaamiisha Soomaaliyeed.”
Kulanka waxa si baaxad leh loogu falanqeeyay muhiimadda isku-xirka Nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada Shirkadaha Isgaarsiintu bixiyaan sida sim-kaarrada iyo adeegyada lacagaha danabaysan, taas oo fududaynaysa dabbaqaadda iyo ku dhaqanka Sharciga Isgaarsiinta Qaranka oo jidaynaya in adeegyadan lagu xiro Aqoonsiga Qaranka.
Dood qotadheer dheer ka dib, kulanku wuxuu isku raacay in la sameeyo guddiyo farsamo oo ka kala socda Hay'adaha NIRA, NCA, iyo Shirkadaha Isgaarsiinta, kuwaas oo iska kaashan doona sidii loogu gogol-xaari lahaa saxeexa Is-afgarad iyo iskaashi rasmi ah oo dhex-mara dhinacyada; u kuurgelidda siyaabaha la isugu xiri karo Nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo kuwa isgaarsiinta ee shirkadaha kala duwan ee dhanka xaqiijinta aqoonsiyada macaamiisha; iyo sidii looga wada-shaqayn lahaa fududaynta diiwaangelinta macaamiisha iyo sare u qaadidda wacyigooda.
Hay'adda NIRA waxa hawlgalladeeda udub-dhexaad u ah wadatashi iyo in dhinacyada kala duwan la dhegaysto aragtiyahooda, lana xalliyo walaacooda si looga wada qaybqaato dhaqangelinta baahsan ee Nidaamka Aqoonsiga Qaranka. Hay’adda waxaa sidoo kale ka go'an in Shirkadaha Isgaarsiinta laga caawiyo hannaankii ay ku aqoonsan lahaayeen macaamiishooda (KYC), uguna hoggaansami lahaayeen shuruucda maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah, taas oo wax badan ka tari doonta sidii dhaqaalaha Soomaaliya ugu xirmi lahaa kan adduun-weynaha.
Join Our Mailing List
For receiving our news and updates in your Email inbox directly.