- Go Home
- Upper House Committee Engages Communities on Somali National ID Rollout with NIRA's Support
Upper House Committee Engages Communities on Somali National ID Rollout with NIRA's Support
- ENGLISH
Mogadishu, Somalia – September 2024: The Upper House Committee on Interior Affairs, Reconciliation, Federal Affairs, and FMS Relations held a crucial community engagement meeting on the Somali National Identification System. The National Identification and Registration Authority (NIRA) actively participated, alongside stakeholders from the Benadir Region, SSC-Khaatumo, and Federal Member States, to discuss the system's progress and nationwide expansion.
In her opening remarks, Senator Deka Hassan Hussein, Chairperson of the Committee, highlighted the importance of collaboration between federal and regional governments and NIRA to ensure the system's successful rollout.
NIRA Director General, Mr. Abdiweli Ali Abdulle (Timacadde), presented updates on the Somali National ID system, officially launched in 2023. He shared plans for nationwide expansion, emphasizing its role in providing legal identity, fostering economic participation, and ensuring social inclusion.
Mr. Timacadde also highlighted partnerships with 13 banks and efforts to integrate the National ID into microfinance, remittance, and telecom services. He reassured attendees about robust legal and technical safeguards protecting citizen data while addressing public concerns during an interactive Q&A session.
NIRA aims to register 15 million citizens by 2026, with ID card issuance beginning later this year. Public awareness campaigns will continue to promote participation and highlight the benefits of the National ID system in transforming Somalia’s governance, economy, and service delivery.
- SOMALI
Hay’adda NIRA oo Kulan Wacyigelin Dadweyne ah Ku Qabatay Aqalka Sare
Hay'adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa maanta marti ku ahayd kulan muhiim ah oo lagu wacyigelinayo qaybaha kala duwan ee bulshada kaas oo ku aaddan Nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya ayna soo qabanqaabiyeen Guddiga Aqalka Sare ee Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta, Arrimaha Federaalka, iyo Xiriirka Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka. Kulankan oo ka dhacay xarunta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka kala socda bulshada rayidka ah ee Gobolka Benaadir, SSC-Khaatumo, iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, si ay su’aalahooda iyo aragtiyahooda la xiriira Nidaamka Aqoonsiga Qaranka ula wadaagaan bahda NIRA.
Kulanka waxa uu ku bilowday khudbad soo dhaweyn ah oo uu jeediyay Mudane Cabdullahi Xaaji Geeddi, Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Aqalka Sare, waxaana si rasmi ah u furay Senatar Deeqa Xasan Xuseen, oo ah Guddoomiyaha Guddiga. Marwo Deeqa ayaa xustay muhiimadda ay leedahay in la helo iskaashi dhex-mara Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah si loo hubiyo hirgelinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee dalka oo dhan.
Maareeyaha Guud ee NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan horumarka dib-u-dhiska kaabayaasha aqoonsiga ee Soomaaliya, isagoo hoosta ka xarriiqay in ka badan 85% dadka Soomaaliyeed aanay haysan wax aqoonsi ah, halka 15% ka mid ah ay haystaan aqoonsiyo sharci oo isugu jira shahaado dhalasho, kaarar kala duwan oo aqoonsi, iyo baasaboor.
Nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu daahfuray magaalada Muqdisho bishii Sebtember 2023, iyadoo shan xarumood oo diiwaangelin ay si buuxda uga howlgalaan Gobolka Benaadir, halka kooxaha diiwaangelinta ee guur-guurana ay ka howlgalaan qaybaha kala duwan ee magaalada. Maareeye Timacadde ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dhammaadka sannadkan nidaamka la gaarsiin doono dhammaan dowladaha xubnaha ka ah federaalka, isagoo sheegay in muwaaddin kasta inta uu nool yahay loo astayn doono Tirsi Aqoonsi oo u Gaar ah oo aan is-beddelayn, loona adeegsan doono helidda adeegyada kala duwan.
Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa su’aalo iyo jawaabo qaatay muddo saacado ah, halkaas oo bulshada kala duwan ee ka qaybgashay ay ku soo bandhigeen weyddiimahooda ku aaddan arrimaha la xiriira habraaca diiwaangelinta, tixgelinta bulshada qaybaheeda nugul iyo kuwa naafada ah, iyo sidoo kale sugidda amniga xogta gaarka ah ee shakhsiyaadka. Mudane Timacadde iyo hawlwadeennada NIRA ayaa si toos ah uga jawaabay su'aalahan, iyagoo bulshada u xaqiijiyay in NIRA ay si buuxda diyaar ugu tahay inay wax ka qabato walaacooda, lana diyaariyay sharciyadii iyo siyaasadihii lagama-maarmaanka u ahaa taaba-gelinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka.
Join Our Mailing List
For receiving our news and updates in your Email inbox directly.