- Go Home
- Hay’adda NIRA iyo UNDP oo Kulan Xog-siin ah La Yeeshay Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah
Hay’adda NIRA iyo UNDP oo Kulan Xog-siin ah La Yeeshay Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah
Hay’adda NIRA iyo UNDP ayaa kulan xog-siin oo ku aaddan natiijooyinka hordhaca ah ee Qiimaynta Qaab-dhismeedka Sharci iyo Kaabayaasha Aqoonsiga Dhijitaalka ah ee Soomaaliya magaalada Nairobi ugu qabtay Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah. Kulanka waxa shir-guddoominayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir, oo uu wehelinayay Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Timacadde.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray natiijooyinka hordhaca ah ee Qiimaynta ay sida wadajirka ah u fuliyeen NIRA iyo UNDP, taas oo ay ujeeddadeedu ahayd in lagu sahamiyo Qaab-dhismeedka, Hab-maamulka iyo Kaabayaasha Aqoonsiga Qaran ee Dhijitaalka ah ee Soomaaliya.
Maareeye Cabdiweli ayaa soo bandhigay horumarka NIRA ka samaysay sal-u-dhigidda Nidaamka Aqoonsiga Dhijitaalka ee Soomaaliya isaga oo Bangiga Adduunka uga mahadceliyay taageeradooda ku aaddan ka miradhalinta hawshan.
Sidoo kale, Maareeyaha ayaa u mahadceliyay Hay’adda UNDP oo qayb laxaadle ka qaadatay suurtagelinta qiimaynta wadajirka ah, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay NIRA iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta nidaam Aqoonsi oo mideysan isla markaana ammaan ah.
Kulanka waxaa ka qaybgalay deeq-bixiyayaal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Norway, Sweden, Denmark, Switzerland, Bangiga Adduunka, Sanduuqa SJF, UK, VISA, iyo UNDP.
Join Our Mailing List
For receiving our news and updates in your Email inbox directly.