img

Aqoon Is-weydaarsi Ku Aaddan Qiimaynta Qaab-dhismeedka Sharci iyo Kaabayaasha Aqoonsiga Dhijitaalka ah oo Muqdisho ka Furmay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah looga furay shir diiradda lagu saarayo qiimeynta qaab-dhismeedka sharci iyo kaabayaasha aqoonsiga dhijitaalka ah ee Soomaaliya. Shirka, oo ay ka soo qayb galeen wakiillo ka socday Qaramada Midoobay (UNDP), bulshada rayidka, iyo hay’adaha dowladda, ayaa waxaa furay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Xoosh.

Maareeyaha ha’adda NIRA Cabdiweli Timacadde oo ka hadlay madasha ayaa tilmaamay muhiimadda kulankan, isaga oo bogaadiyay dadaalada hay’adaha caalamiga ah ee taageeraya hormarinta nidaamka aqoonsiga Soomaaliya.

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaa lagu soo bandhigi doonaa cilmi-baarisyo qoto dheer, talooyin iyo qorshayaal muhiim ah oo ku saabsan horumarinta nidaamka aqoonsiga dhijitaalka ah.

image
image
image
image
image
image