
- Go Home
- HAY’ADDA NIRA WAXAY BEENINAYSAA FOOMKA BEEN-ABUURKA AH EE BARAHA BULSHADA LAGU BAAHIYAY

HAY’ADDA NIRA WAXAY BEENINAYSAA FOOMKA BEEN-ABUURKA AH EE BARAHA BULSHADA LAGU BAAHIYAY
HAY’ADDA NIRA WAXAY BEENINAYSAA FOOMKA BEEN-ABUURKA AH EE BARAHA BULSHADA LAGU BAAHIYAY
Muqdisho, 23 Maarso 2025 — Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) waxay si cad u beeninaysaa eedaymaha la faafiyay ee la xiriira Xarunta ay dhawaan ka furtay magaalada Gaalkacyo ee daanta Galmudug. NIRA waxay caddaynaysaa in foomka Baraha Bulshada lagu faafiyay uu yahay mid been-abuur ah; foomka rasmiga ah ee Hay’adda waxaa laga heli karaa websaydkeeda iyo xarumaheeda kala duwan.
Hay’addu waxay sidoo kale u xaqiijinaysaa shacabka Soomaaliyeed in aanu jirin wax go’aan ah oo ay NIRA gaartay kaas oo deegaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland lagu hoos-geynayo Galmudug, iyo in eedaymaha noocan ahi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, laguna marin-habaabinayo bulshada. NIRA waa hay’ad qaran oo heer Federaal ah, taas oo lagu aas-aasay Sharciga Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (Sharci Lr. 009), waxayna u xilsaaran tahay inay nidaamka Aqoonsiga Qaranka ka hirgeliso guud ahaan dalka. Hay’addu waxay u hawlgashaa si madax-bannaan oo waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka u yaalla.
NIRA waxay dhawaan si rasmi ah u bilowday inay adeegyadeeda ku baahiso Dowlad Goboleedyada kala duwan ee dalka, iyada oo Laamo iyo Xarumo kala duwan ka daahfurtay Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaana mid ka mid ah xarumahaas loo asteeyay qaybta Galmudug ee magaalada Gaalkacyo.
NIRA waxay bulshada Soomaaliyeed u bayaaminaysaa inay deegaannada harsan ka hirgelin doonto Laamo rasmi ah oo loogu adeego shacabka, waxayna daadejinta adeeg-bixinteeda la kaashanaysaa Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Ugu dambayntii, NIRA waxay u hoggaansan tahay xuduudaha dastuuriga ah iyo nidaamka federaaliga ah ee dalka, iyada oo ay ka go’an tahay in si cadaalad ah oo hufan dhammaan shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeegga Kaarka Aqoonsiga Qaranka.
DHAMMAAD

Join Our Mailing List
For receiving our news and updates in your Email inbox directly.