If you cannot find the answer below, please use the contact form or send us an email to [email protected]
J: Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (National Identification and Registration Authority – NIRA) waa hay’ad qaran oo u xilsaaran inay abuurto, ka shaqaysiiso, maamusho, oo ay dhowrto nidaam maarayn aqoonsi oo aasaasi ah, si ay u suurtagasho in la diiwaangeliyo qof kasta oo muwaadin ah ama si sharci ah ugu nool Soomaaliya.
J: Hay’dda Aqoonsiga iyo diiwaangelinta Qaranka waxaa lagu aasaasay sharciga Lr No. 41 ee Sanadka 2020. Waxaa Sharcigaas lagu beddelay Sharciga Lr. No. 009 kaas oo la ansixiyey Bishii Maajo, 2023.
J: Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka waa hay’adda kaliya ee bixisa aqoonsi heer qaran ah halka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ay qaabilsan tahay bixinta Baasaboorka iyo arrimaha socdaalka.
J: Xarunta dhexe ee Hay’adda waa magaala Madaxda Dalka, Muqdisho.
J: Haa, Hay’addu waxay xarumo kala duwan ku leedahay dhammaan gobollada dalka.
J: Kaarka Aqoonsiga Qaranka waa kaar aqoonsi oo aasaasi ah, kaas oo ay hay’addu si midaysan uga bixiso dalka oo dhan, waxa uuna muwaadinka u adeeegsan karaa inuu ku helo adeegyada kala duwan ee dowladda iyo shirkadaha gaarka ah bixiyaan. Sidoo kale, waxa uu leeyahay tirsi u gaar ah oo aan is beddeleyn marnaba.
J: Aqoonsiga qaran ee la siinayo muwaadinka JFS wuxuu dhacayaa shan (5) sano ka dib taariikhda la bixiyey.
J: Qof walba oo si sharci ah ku deggan dalka wuxuu kaarkiisa ka dhacayaa xilliga Dal-ku-galkiisu dhacayo.
J: Kaarka Aqoonsiga Qaranka waa aqoonsi heer qaran ah oo ay waajib tahay inuu qaato muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, aasaasna u noqonaya inuu helo aqoonsiyada kale halka aqoonsiyada kale ay yihiin kuwo gaar ah oo loo adeegsado shaqooyin cayiman.
J: Kaarka Aqoonsiga ee la siinayo muwaadinka iyo qofka sifada sharciga ah ku deggan dalka waxay ku kala duwan yihiin: (1) midabka (2) furaha tirsiga gaarka ah.
J: Waxaa ka mid ah qodobadan soo socda:
1) In aad ku furan karto akoonka bangiga, simikaarka. Mana u baahan doontid baasaboor iwm.
2) In dalka gudihiisa aad ku safri karto adiga oo isticmaalaya kaarkaaga aqoonsiga qaranka.
3) In aad ku dalban karto adeega shatiga gaadiidka, caafimaadka, ganacsiga iwm.
3) Xoojinta maamul wanaagga iyo dowladnimada.
4) Sugidda amniga gudaha.
5) Fududeynta Isdhexgalka dhaqaale ee gobolka iyo caalamka.
J: Aqoonsiga qaranka waa aqoonsi aasaasi ah, kaas oo cadeynayo muwaadinnimada qofka, waxa uuna leeyahay tirsi u gaar ah oo aan marnaba doorsoomeyn iyo xog-dhalyada halka warqadda dhalashada ay tahay warqad cadeyneysa kaliya goobta iyo waqtiga dhalashada.
J: Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka kaliya ayaa bixisa karaka Aqoonsiga Qaranka.
J: Kaarka Aqoonsiga Qaranka waxaa loo adeegsanayaa helidda adeegyada aasaasiga ah iyo safarrada gudaha iyo Gobolka halka baasaboorka loo adeegsanayo safarrada dibadda oo keli ah.
J: Waxaa xaq u leh dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo qof kasta oo sifo sharci ah ku jooga dalka gudihiisa.
J: Muwaadiniinta ku nool dalka dibaddiisa waxay iska diiwaangelin karaan kana qaadan karaan safaraadaha JFS ay ku leedahay waddamada ay ku noolyihiin.
J: Waxaa waajib ku ah muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo qof kasta oo sifo sharci ah ku jooga dalka qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka laakiin qofkii aan qaadanin wuxuu lumin doonaa adeegyada ay bixiyaan dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.
J: Kaarka Aqoonsiga Qaranka waxaa lagu qaadanayaa da’da qaangaarnimada ah. Qofka aan gaarin da’da qaangaarka, waxaa la siinayaa shahaado aqoonsi.
J: Haa, waad u wakiilan kartaa balse waxaa waajib ah in aad u qortid warqad wakaalasho ah oo ka soo baxda nootaayo la aqoonsan yahay. Haddii uu qofku yahay waalidkaa, walaalahaa, ama carruurtaada waad u qaadi kartaa adiga oo keenayo dokuminti cadeynayo xiriirka idin ka dhexeeya.
J: Haa waa lacag . wana qidmad yar oo qof walba awoodi karo .
J: Waxay bilaabatay 16-ka Setembar 2023.
J: Waxaa looga baahan yahay in uu la yimaado 2 sawir oo teesaro ah, dokuminti cadeynaya qof ahaanshihiisa sida dokumintiyada dawladda bixiso iyo kuwa ay aqoonsan tahay. Haddii aanu heli karin wax dokuminti ah waxaa looga baahan yahay in uu la yimaado marqaati sida qof laga yaqaano halka uu deggan yahay, qof haysta kaarka aqoonsiga qaranka ama qof u shaqeeya dawladda.
J: Marka hore waxa uu buuxinayaa foomka diiwaangelinta ka dibna waxa uu bixinayaa lacagta khidmadda isaga oo u sii gudbi doona xafiiska hubinta. Ugu dambeyntiina, waxaa laga diiwaangelinayaa xog-dhalyada qofka. Intaas ka dib, marka uu diyaar noqdo kaarka aqoonsiga waxaa qofka loo dirayaa farriin sheegeysa in uu diyaar yahay iyo halka uu ka qaadanayo.
J: Marka hore waxaa muhiim ah in muwaadinku iska hubiyo xogta laga diiwaangelinayo balse haddii muwaadinku u baahdo in wax-ka-beddel lagu sameeyo xogtii hore waxaa loogu beddeli karaa oo kaliya si waafaqsan sharciga iyo habraacyada diiwaangelinta.
J: Waxa aad iska diiwaangelin kartaa xarunta kuugu dhow ee Hay’adda NIRA. Waxa aad ka qaadan kartaa kaarkaaga aqoonsiga isla xarunta aad iska diiwaangelisay. Sidoo kale, waxa aad iska diiwaangelin kartaa baraha ay joogaan kooxaha guur-guura ee diiwaangelinta sida Jaamacadaha, Iskuullada iyo goobaha shaqada.
J: Dadka baahiyaha gaarka ah qabo waxaa loogu adeegayaa si gaar ah, waxaana laga diiwaangelinayaa xogta shaqsiga iyo sawirkiisa maadaama aan laga qaadi karin faro. Haddii ay faraha qaar shaqeynayaan waxaa laga diiwaangelinayaa inta u shaqeyneysa oo kaliya.
J: Hay’adda NIRA waxay yeelaneysaa kooxa guur-guura, kuwaas oo diiwaangelinaya dadka ka fog xarumaha diiwaangelinta ee jooga miyiga.
J: Waxaa diiwaangelin doona kooxaha guur-guura iyaga oo tegayo xarumaha lagu xannaaneeyo. Sidoo kale, waxaa lagu diiwaangelin doonaa galka wakiilka ama xannaaneeyaha.
J. Maya.
J: Xogta muwaadinka waxaa loo kaydinayaa qaab qarsoon ayadoo la raacayo habraaca ku qoran sharciga aqoonsiga iyo diiwaangelinta dadweynaha.
J. Xogta muwaadinka waxaa lagu kaydinayaa dalka gudihiisa.
J: Maya. Isma beddelayo tirsiga gaarka ah ee qofka.
J: Waxaa looga baahan yahay nuqulka kaarka aqoonsiga ee dhacay, xarunta ugu dhowna uu tego si uu u maro habraaca cusboonaysiinta kaarka.
J: Waxaa xaq u leh:
J: Waxaa lagaaga baahan yahay in aad ogeysiisid saldhiga boolis ee kuugu dhow. Sidoo kale, wargelisid hay’adda NIRA adigoo la xiriirayo namberka gaaban ee hay’adda (169) ama booqanayo xarunta kuugu dhow.
J: Waxa aad tegaysaa xarunta kuugu dhow ee hay’adda NIRA si ay u soo saaraan tirsigaaga gaarka ah.
J: Fal-dambiyeedyada isdiiwaangelinta waxaa ka mid ah:
J: Qof walba oo ku kaca fal-dambiyeedyada isdiiwaangelinta waxaa lagu qaadayaa Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.
Your ID, Your Right (Aqoonsigaaga, Xaqqaaga)
The National Identification and Registration Authority (NIRA) is a leading government authority dedicated to establishing and managing a robust and secure national identification system as stipulated in the Identification and Registration of Act (Law No. 009 of March 2023).
© Copyright 2024 by NIRA