Maareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diinwaagelinta Qaranka Mudane Cabdiweli Cali Timacadde ayaa ka hadlay daahfurka Shirweynaha Aqoonsiga Qaran isaga oo bandhiggiisa ku sharaxay heerarka ay soo martay Hay’adda NIRA tan iyo 2018-kii sida sameynta sharciga Hay’adda, qaadashada shaqaalaha iyo aasaaska xarunta guud.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay hadafka qaadashada aqoonsiga, iyadoo kaarka ay qaadanayaan muwaadiniinta iyo kuwa deggan Jamhuuriyadda, istaraatiijiyadda Hay’adda iyo tirada dadka la diiwaangelinayo sanadkan ilaa 2026-ka oo noqon doonta 15 milyan.

Bandhigga Maareeye Cabdiweli Timacadde waxaa kale oo ka mid ahaa; isticmaalka kaarka aqoonsiga qaran oo wax badan ka tari doona waxbarashada, caafimaadka, Bangiyada, Tikonoolojiyadda, maaliyadda, duuliska, xuduudaha, baarista dambiyada, gawaari wadista iyo arrimo kale oo muwaadinku u baahdo.

#SNIDC2023#ID4D