Muqdisho 20, September 2023—-Ku simaha Raโ€™iisul Wasaaraha ahna Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa galabta qaatay kaarka Aqoonsiga dadweynaha, isaga oo sheegay in hirgelinta kaarka Aqoonsiga uu xal u noqon doono caqabado badan oo bulshadeenna haysta.

Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay muhiimadda uu kaarkan u yeelan doono bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan duruufaha amni oo ah caqabadda ugu wayn ee hadda dalkeenu la tacaalayo, isagoo intaa ku daray hadda wixii ka danbeeya qof kasta oo muwaadin ah yeelan doono sumad iyo meel xogtiisa loo raaco.

Gabogabadii Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka, ayaa ku bogaadiyay hayโ€™adda NIRA shaqada ay waddo isagoo kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan dadaalka, isla markaana Xukuumadda #DanQaran muhiimad gaara siinayso sidii loo gaarsiin lahaa guud ahaan dalka.